TAARIIKH KU SAABSAN SOOMAALIYA 1960-1996
| July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed oo la soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afartii dal ee Afrika xilligaas xorta ka ahaa, kuwaas oo ahaa Ethiopia, Somalia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa. Iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jen. Maxamed Siyaad Barre. Jan 23, 1975 - Ayaa culimo Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975. April 21, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah ragii ku jirey fulinta Inqilaabkaas.
Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu beseshey (SSDF). Aug 7, 1990 - Jabhadihihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre. Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.
Nov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid aiyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas. March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey aya wad saxiixday heshiis xabad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabad joojinta. April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad barre oo dalka isga baxay. Sept 19, 1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid o ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta. Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Sooaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo naba ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku. Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta". Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen. May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii ka hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyeye Qaramada Midoobey. Oct 3, 1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya oo si rasmi ah loo soo afjaray. Jan 2, 1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria. Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanaka iyo ciidamada Talyaaniga oo ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya. Aug 1, 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey. Act 10, 2004 Waxa loo dortaay Co/Cabdi lahi Yusuf Madaxweynaha Ummada Soomaaliya W/Q Dr Yusuf Ali Somalifans@hotmail.com |





