Friday, October 05, 2007

RIBADA IYO DIINTA ISLAAMKA

 >Ha u cunina ribada (laab-Laab) kana dhowr-sada Eebe waxaad

mudantihiin inaad liibaantaane (suuraat Aali-cimraan 1:130)

 

 

Diinta islaamku waa Diin fari xalaal cunka,

Shaqada fiican iyo istaakulaynta

Mana ogola xaaraan cunka,

Iskhayaamidda iyo dulmiga ,

Ribaduna waa xoolaha dadkoo xaq darro iyo dulsaar lagu cuno,

Waxaana lagu ciqaabi Dhidhicid sida;

Ruux waalan Qiyaamada,

Cadaab iyo barako darro ,

Illeen Eebe kala gadashaduu baneeyaa ,

Ribadana wuu xarimaa,

Mana aha siday gaaladu sheegeen

In beeca iyo Ribadu isku mid-yahiin

Rasuulkuna NNKH wuxu Yidhi  :-

Waxaan u Imid Habeenkii la

Dheelmay qaar calooshoodu

Tahay sida quryo oo abeesana

Dhex-socoto , waxaana dhahay

Waayo kuwaasi Jibriilow ?

Wuxuu yidhi :- kuwaasi waa

Kuwa cuna Ribada.

Waxa wariyey Imaam Ahmed.

W/Q Dr Yusuf Ali

somalifans@hotmail.com

 

 
Posted by puntland-somalia at 01:51:22 | Permanent Link | Comments (0) |
Comments
Write a comment