Saturday, September 29, 2007

Cafmaadka

Cudurka AIDS ka iyo Wacyigelinta ay ka sameeyeen Mamulka Website-ka Puntland.blogsomalia

Taariikhiyan Cudurkan Aidska waxaa markii ugu horeysay Dunida lagu arkay Wadanka Qaarada ah ee Mareykanka Sanadku Markuu ahaa 1981,Waa Mudo haatan laga joogo 26 Sanadood Taasi oo Macnaheedu tahay in qofkii ugu horeeyey ee laga helo Feyruska DHaliya Cudurka Aidska ee HIV inuu ahaa Qof Mareykan ah.

Cudur oo aan ilaa iyo hada Dawadiisa laheyn wuxuu Xilliyadii danbe si 'aad ah ugu fiday Wadamo badan oo ku yaala Qaaradaha Laatiin Ameeriga,Wadamo katirsan Koonruta Aasiya,Yurubta Bari iyo Wadamada Kulaala Saxaraha Africada Galbeed iyo Africada Bari,Gaar ahaan Dalalka Yugandha,Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti.

Shucuubta Maanta la ildaran Cudurka Aidska Waxaa tiradooda lagu qiyaasay inka badan 40 Milyan,iyadoo ay Sanadkasta u geeriyoodaan Dad lagu qiyaasay Laba Malyuun oo Qofood, oo intooda badan kasoo jeedaan Africa iyo Aasiya amaba haddii si kale loo yiraahda ah Wadamada Dunida Sadexaad ee uu Horumarkooda iyo Dhaqaaluhuudu hooseeyo.

Qarnigan Casriga ee 21 aad Cudurka Aidska waxaa uu Faraba'an ku hayaa Wadamada Yurubta Bari ee horey uga tirsanaan jirey Dalweynihii Midowga Sufuyeeti ee "USSR".

Somalia iyo Cudurka AIDS ka Ka hor.

Xilliga ay jirtay Dowladii Dhex ee Somalia Wuxuu dalku lahaa Kaadiro Caafimaad oo aad u sareysay,isuguna jirtay Adeego Caafimaad oo lacag la'aan ahaa iyo xakameyn Caafimaad oo dhinackasta leh,Sida Cudurada iyo Daaweyntooda,Taasi ayaana Sabab u aheyd inaysan Dalka SOmalia ka jirin,Lagana Aqoon amaba aysan soo gaarin Cudurada Halista ah sida AIDS-ka oo kale,iyaddoo ay Xusid Mudan tahay inay Dowladii Somaliyeed ee Xilligaasi Bilad Dahab ah kaga heshay Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO kadib markii ay Somalia noqotay Dalkii ugu horeeyey ee Dabar gooya Cudurka Furuqa.

Hase ahaatee Wixii ka danbeeyey Sanadkii 1991 Dalka iyo Dadka Somaliyeed waxaa ay Bay lah u noqdeen Xakameyn la'aanta iyo Daaweyn la'aanta Cuduro Farabadan oo dalka si dadban iyo si toos ah usoo galay,kadib markii ay sag xada noqdeen oo la bililaqeystay Qalabyadii Adeega Caafimaad,Lana degay Goobihii Adeega Caafimaad ee Bulshada loogu adeegi jirey.

Dadka Somaliyeed iyo Aragtida ay ka qabaan Cudurka AIDS-ka

Diiniyan Dadka Somaliyeed waa Dad Muslimiin ah,Haystana Caadooyin ka turjumaya Dhaqankooda iyo Hidahooda,Qodobadaasi oo ku dhaliya Hab Nololeedkooda in waxkasta oo ku dhaca ay ugu sabraan Qadarta Alle,Sidaasi darteed intooda badan ha ahaadaan Reer Miye ama Reer Magaal maba aaminsana inu jiro Wax la dhaho Cudurka AIDS-ka,oo waxay aaminsan yihiin Arin Qandaraas lagu soo qaatay oo laagu talagalay in lagu yareeyo Guurka iyo Dhalmada iyo inay Aaminsan yihiin inuu yahay Cudur Gaalada kaliya loogu talagalay.

Wadanka Somalia ma ka jiraa Cudur ka AIDS-ka,Xagese kasoo galay???

Baaritaano Farabadan oo ay Samaayeen Dhaqaatiir Caan ka ah Somalia iyo Xog wareysiyo lala yeeshay Dhaqaatiirtaasi oo ay kamid yihiin Dr,Maxamed Maxamuud Cali "Fuje" iyo Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr,SheekhDoon Salaad Cilmi waxay Shaaca ka qaadeen in Cudurka AIDSka uu ka jiro Dalka Somalia,laguna ogaaday jiritaangiisa baaritaano lagu sameeyey Bugaano Dhowr ahaa oo doonayey inay DHiig Shubaan.

Dr, Maxamed Maxamuud Cali "Fuje" oo ka tirsan Hay'ada Caafimaadka Aduunka Laanteeda Somalia ayaa waxa uu sheegay in cudurka AIDS ka uu Somalia ka soo galay dalalka Dariska la ah,Sida Kenya,Itoobiya,Jabuuti iyo Yugandha maadaama aysan jirin Xakameyn Xududed iyo mid Caafimaad,Sababtoo ah buu yiri Somali badan ayaa u hayaamay Wadamadaasi kuwaasi oo u badnaa Dhalinyaro kadibna Dalka Dib ugu soo laabtay iyagoo Cudurkii Sida.

Wacyigelinta ay Cudurka ka HIV/AIDS ka Sameeyeen Shirkada Suugaanta iyo Aflaanta ee Waayaha Cusub.

Waxaa jirta Maah Maah Caafimaad oo oraneysa "Ka hortaga waxay ka wanaagsan tahay Daaweynta" Haddiiba aysan shaki ku jirin in cudurka AIDS ka uu ka jiro Dalka SOmalia loona Baahan yahay in wacyigelin xoogan loo sameeyo Shacabka ayaa aqoonyahano da'yar oo ka tirsan Shirkada Soo saarista Suugaanta iyo Aflaanta Somaliyeed ee Waayaha Cusub waxay Sanado ka hor sameeyeen haatana ay ku gudaha jiraan wacyigelin ku aadan Shacabka Somaliyeed,Taasi oo ku Wajahan in laga wacyigeliyo Halista Cudurka AIDS-ka .


Hadaba Aqoonyahano,Abwaaniin,Fanaaniin iyo Wariyayaal ka tirsan Shirkada Waayaha Cusub ayaa Sanadahaan u guntaday sidii ay Kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen Wacyigelinta Cudurka Dilaaga ah ee AIDS-ka iyagoo ka bilaabay Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya,Gaar ahaan Xaafada ay Somalidu ku badan tahay,iskuulada,Garoomada Cayaaraha iyo Xarumaha kale ee la isugu yimaado Wacyigelin ku aadan Cudurka AIDS-ka waxa uu yahay,sida la isku qaadsiiyo iyo sida looga hortago Talaabooyinkaasi oo noqday inta Badan kuwo laga mira dhaliyey oo Guul laga soo hooyey.


Sidee loola Dhaqmaa Bugaanada Somaliyeed ee uu Soo Ritay Cudurka AIDS -KA??

Walow aan laheyn Tira sax oo cadeynaysa Tirada rasmiga ah ee Somalida ee qaba Cudurka AIDS-ka Hadana Xabiibo waxay ka mid tahay Bugaanada uu soo ritay Cudurkaasi sidoo Doono ha ugu dhecee,Mudo kabadan Sadex Sano ayey sidaa Cudurkaasi AIDS -ka Markii ay Dhaqaatiirtu cadeeyeen inay qabto Cudurkaasi.

1:- Waxay Qaaday Cuqdad Nafsi,taasi oo dhalisay inuu hoos u dhaco Miisaankeeda oo ay noqoto Laf iyo Maqaar ama waxa Caafimaadka lagu yiraahdo Marasmic

2:- Waxay ka go'day la socodkii dadka Gaar ahaan Asxaabteedii ugu dhawaa

3:- Waxaa lagu bilaabay in la Tagooro oo aan lala socon,Wax lala cunin,wax lala cabin,lala Seexan isla markaana Salaanta laga qaadin, iskaba daa in xitaa Television -ka lala Daawado ama loosoo galo Qolka ay ku jirto,intaasi waxaa u dheer inay Waalidkeed Tagooreyn oo si Gaar ah loogu sameeyey Weelal loogu geeyo Raashinka iyo in Xaafaddii laga raray oo la dajiyey Xaafad kale oo Familkaasi ka fog.

Gaba gabadii Waxaan kusoo Afjareeynaa Wacyigelinta Puntland.blogsomalia ma noqon doonto Talaabo halkaasi ku siman Waa Barnaamij sidiisii ubilowday oo aan marnaba laga Daaleyn,inagoo u baahan Gacansiintaasi ku aadan Arintaasi.

Qoraalka Waxa Soo Saraay Mudane Dr Yusuf Ali

Email:- Bosaso@myway.com

SI AAD ISAGA ILAALISO CUDURKA DAACUUNKA RAAC QODOBADAN

cudurka daacuunka waa miid ka miid aah cuduraada ugu dhibaato badan daad fara badan oo somali aah naa sanad walba ayuu laya lakiin side la iskaga ilaalin kara cudurka naxdiinta leh raac sidaan hoose

1.''  BIYAHA LA CABBO DHIGO MEEL KA GAAR AAH BIYAHA KALE EE GURIGA LAGA ISTICMAALO ''

2.'' CUN RAASHINKU INTA UU DIIRRAN YAHAY''

3.'' CAB BIYO AY KOLORIIN KU HIRTO AMA BIYO KARKARSAN''.

4.'' KU DHAQ GACMAHAAGA SABUUN AMA DAMBAS KA HOR INTA AADAN CARRUURTA CUNTADA SIININ''

5.''KU DHAQ GACMAHAAGA SABUUN AMA DAMBAS KA HOR INTA AADAN CARRUURTA CUNTADA SIININ''

6.''GACMAHAAGA KU DHAQ SAABUUN AMA DAMBAS KA DIB MARKA AAD SAXARADA ILMAHA KA DHAQDO''

7.''KU BADBAADI ORS QOFKA AAD KU ARAGTO SHUBAN BADAN''

8.''KU DHAQ GACMAHAAGA SAABUUN AMA DAMBAS INTA AADAN BILLAABIN KARINTA CUNTADA ''

9.''KU DHAQ GACMAHAAGA SAABUUN AMA DAMBAS MAR WALBA OO AAD MUSQUSHA SOO ISTICMAASHO"

'' nadafaadu waa iimaanka barkii waxa dhahay nabi maxamed SCW waa xadiis saxiix aah ''

BY Dr Yusuf Ali

Posted by puntland-somalia at 01:52:36 | Permanent Link | Comments (0) |
Comments
Write a comment