Saturday, September 29, 2007

Aishwarya Rai

Aishwarya Rai

  • MAGACA:Aishwarya Rai
  • NANEEYSTA aISHWARYA: Ash/Aishu/Gullu
  • SANADKA DALASHADA:1/November/1973 Talaado
  • MAGAALADA DHALASHADA:Karnataka , Mangalore-India
  • DHEREERKA:5'7.5
  • MISAANKA:55KG
  • ABBAHA AISHWARYA:Krishnaraj Rai
  • HOOYADA AISHWARYA: Virinda Rai
  • WALAALKA:Aditya Rai    Waxa Uu Dhashaay Sanadku Marka UU aha (1970)
  • WALAASHA:Shrima Rai
  • NINKA AISHWARYA-RAI: Waa Xiddiga Caanka ah Ee Abshishek Beschchan Waxa Uu Dhashaay Sanadku Marka UU aha 5/Feb/1976 Waa Inaan Da'Yar
  • WAXBARASHO:Raheja College Of Architercture , Bandra , Bombay, India
  • FILIIMKA AAY UGU JECESHAHAY:Casablance
  • FILIIN JILLE AAY JECESHAHAY: Waxa aay Ugu Jeceshahay Actorka Lagu Magcaabo Raj-Kapoor IYo Waliiba Nargis OO Isna Actor Kale Ah Aishwarya rai
  • SAXIIB HORE OO TARIIKHI AAH : Waa Salman Khan  lakiin waxa aay saxiib-Tinimada 14/jan/2007 Kadibna  Aishwarya waxa Guursadey Ninka aadka Loga Yabeey Ee Abhishek Bachchan Uu gursadeey tariikhdu marka aay aheeyd 20/Apr/2007 Inaanka waa Inaan Da'yar oo Aad Loga Yabeey Marka Uu Gursadeey Inaad Quruuxda Adduunka Manta Heysata.In Kasto Uu Isagu Ka Soo Jeedo Qoys Aad Uu Wanagsan Oo  Reer Bchchan Lagu Magcaabo .
  • KALA XIRIIR AISHWARYA RAI : aISHWARYA Rai C/O creative artists Agency 9830 wilshire blvd. Beverly Hills California Phone-90212-1825 United State Email:-  Aishwarya-forever@hotmail.com Website:- http://www.aishwarya-forever.com    

 Kareena Kapoor

>Magaca: Kareena Kapoor
Tariikh Dhalasho:21/Sebtember/1980
Naneeys: Bebo
Magalada Dhalashada:
Bombay , Maharashtra , India
Dhererka:5'5"
Qof Ahaan : Naag
Shaqadeeda: Actress Ama Atoore/atariisho
Filiimka: Refugee
Waxbarasho: Jamnadia Narsee School ,
Mumbai Waxa Kale oo Aaya Ddhigateey Dugsiga Qanuunka Ee Dowlada . Government Law College In Churchgate.
Aabaha:Ranhir Kapoor
Hooyo: babita Kapoor
Walaasha Qaliga Ah :
Karishma Kapoor Waa Inaan Aad logu yaqaano dhanka bollywood-ka
Awoowgeed:
Raj Kapoor '' Waa Nin Wayeel aah Lakiin Caan Aah Dhanka Aflaanta''
Saxiibka-Qaliga Ah:
Shahid Kapoor '' Shahid Yare Waa Inaan Aad Loga Daba Dhacaay Waana Saxiibka Kareena Ee Imiinka "

 

 

 

 

 

 

W/Q  Yusuf Ali

Posted by puntland-somalia at 01:56:42 | Permanent Link | Comments (0) |

Cafmaadka

Cudurka AIDS ka iyo Wacyigelinta ay ka sameeyeen Mamulka Website-ka Puntland.blogsomalia

Taariikhiyan Cudurkan Aidska waxaa markii ugu horeysay Dunida lagu arkay Wadanka Qaarada ah ee Mareykanka Sanadku Markuu ahaa 1981,Waa Mudo haatan laga joogo 26 Sanadood Taasi oo Macnaheedu tahay in qofkii ugu horeeyey ee laga helo Feyruska DHaliya Cudurka Aidska ee HIV inuu ahaa Qof Mareykan ah.

Cudur oo aan ilaa iyo hada Dawadiisa laheyn wuxuu Xilliyadii danbe si 'aad ah ugu fiday Wadamo badan oo ku yaala Qaaradaha Laatiin Ameeriga,Wadamo katirsan Koonruta Aasiya,Yurubta Bari iyo Wadamada Kulaala Saxaraha Africada Galbeed iyo Africada Bari,Gaar ahaan Dalalka Yugandha,Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti.

Shucuubta Maanta la ildaran Cudurka Aidska Waxaa tiradooda lagu qiyaasay inka badan 40 Milyan,iyadoo ay Sanadkasta u geeriyoodaan Dad lagu qiyaasay Laba Malyuun oo Qofood, oo intooda badan kasoo jeedaan Africa iyo Aasiya amaba haddii si kale loo yiraahda ah Wadamada Dunida Sadexaad ee uu Horumarkooda iyo Dhaqaaluhuudu hooseeyo.

Qarnigan Casriga ee 21 aad Cudurka Aidska waxaa uu Faraba'an ku hayaa Wadamada Yurubta Bari ee horey uga tirsanaan jirey Dalweynihii Midowga Sufuyeeti ee "USSR".

Somalia iyo Cudurka AIDS ka Ka hor.

Xilliga ay jirtay Dowladii Dhex ee Somalia Wuxuu dalku lahaa Kaadiro Caafimaad oo aad u sareysay,isuguna jirtay Adeego Caafimaad oo lacag la'aan ahaa iyo xakameyn Caafimaad oo dhinackasta leh,Sida Cudurada iyo Daaweyntooda,Taasi ayaana Sabab u aheyd inaysan Dalka SOmalia ka jirin,Lagana Aqoon amaba aysan soo gaarin Cudurada Halista ah sida AIDS-ka oo kale,iyaddoo ay Xusid Mudan tahay inay Dowladii Somaliyeed ee Xilligaasi Bilad Dahab ah kaga heshay Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO kadib markii ay Somalia noqotay Dalkii ugu horeeyey ee Dabar gooya Cudurka Furuqa.

Hase ahaatee Wixii ka danbeeyey Sanadkii 1991 Dalka iyo Dadka Somaliyeed waxaa ay Bay lah u noqdeen Xakameyn la'aanta iyo Daaweyn la'aanta Cuduro Farabadan oo dalka si dadban iyo si toos ah usoo galay,kadib markii ay sag xada noqdeen oo la bililaqeystay Qalabyadii Adeega Caafimaad,Lana degay Goobihii Adeega Caafimaad ee Bulshada loogu adeegi jirey.

Dadka Somaliyeed iyo Aragtida ay ka qabaan Cudurka AIDS-ka

Diiniyan Dadka Somaliyeed waa Dad Muslimiin ah,Haystana Caadooyin ka turjumaya Dhaqankooda iyo Hidahooda,Qodobadaasi oo ku dhaliya Hab Nololeedkooda in waxkasta oo ku dhaca ay ugu sabraan Qadarta Alle,Sidaasi darteed intooda badan ha ahaadaan Reer Miye ama Reer Magaal maba aaminsana inu jiro Wax la dhaho Cudurka AIDS-ka,oo waxay aaminsan yihiin Arin Qandaraas lagu soo qaatay oo laagu talagalay in lagu yareeyo Guurka iyo Dhalmada iyo inay Aaminsan yihiin inuu yahay Cudur Gaalada kaliya loogu talagalay.

Wadanka Somalia ma ka jiraa Cudur ka AIDS-ka,Xagese kasoo galay???

Baaritaano Farabadan oo ay Samaayeen Dhaqaatiir Caan ka ah Somalia iyo Xog wareysiyo lala yeeshay Dhaqaatiirtaasi oo ay kamid yihiin Dr,Maxamed Maxamuud Cali "Fuje" iyo Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr,SheekhDoon Salaad Cilmi waxay Shaaca ka qaadeen in Cudurka AIDSka uu ka jiro Dalka Somalia,laguna ogaaday jiritaangiisa baaritaano lagu sameeyey Bugaano Dhowr ahaa oo doonayey inay DHiig Shubaan.

Dr, Maxamed Maxamuud Cali "Fuje" oo ka tirsan Hay'ada Caafimaadka Aduunka Laanteeda Somalia ayaa waxa uu sheegay in cudurka AIDS ka uu Somalia ka soo galay dalalka Dariska la ah,Sida Kenya,Itoobiya,Jabuuti iyo Yugandha maadaama aysan jirin Xakameyn Xududed iyo mid Caafimaad,Sababtoo ah buu yiri Somali badan ayaa u hayaamay Wadamadaasi kuwaasi oo u badnaa Dhalinyaro kadibna Dalka Dib ugu soo laabtay iyagoo Cudurkii Sida.

Wacyigelinta ay Cudurka ka HIV/AIDS ka Sameeyeen Shirkada Suugaanta iyo Aflaanta ee Waayaha Cusub.

Waxaa jirta Maah Maah Caafimaad oo oraneysa "Ka hortaga waxay ka wanaagsan tahay Daaweynta" Haddiiba aysan shaki ku jirin in cudurka AIDS ka uu ka jiro Dalka SOmalia loona Baahan yahay in wacyigelin xoogan loo sameeyo Shacabka ayaa aqoonyahano da'yar oo ka tirsan Shirkada Soo saarista Suugaanta iyo Aflaanta Somaliyeed ee Waayaha Cusub waxay Sanado ka hor sameeyeen haatana ay ku gudaha jiraan wacyigelin ku aadan Shacabka Somaliyeed,Taasi oo ku Wajahan in laga wacyigeliyo Halista Cudurka AIDS-ka .


Hadaba Aqoonyahano,Abwaaniin,Fanaaniin iyo Wariyayaal ka tirsan Shirkada Waayaha Cusub ayaa Sanadahaan u guntaday sidii ay Kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen Wacyigelinta Cudurka Dilaaga ah ee AIDS-ka iyagoo ka bilaabay Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya,Gaar ahaan Xaafada ay Somalidu ku badan tahay,iskuulada,Garoomada Cayaaraha iyo Xarumaha kale ee la isugu yimaado Wacyigelin ku aadan Cudurka AIDS-ka waxa uu yahay,sida la isku qaadsiiyo iyo sida looga hortago Talaabooyinkaasi oo noqday inta Badan kuwo laga mira dhaliyey oo Guul laga soo hooyey.


Sidee loola Dhaqmaa Bugaanada Somaliyeed ee uu Soo Ritay Cudurka AIDS -KA??

Walow aan laheyn Tira sax oo cadeynaysa Tirada rasmiga ah ee Somalida ee qaba Cudurka AIDS-ka Hadana Xabiibo waxay ka mid tahay Bugaanada uu soo ritay Cudurkaasi sidoo Doono ha ugu dhecee,Mudo kabadan Sadex Sano ayey sidaa Cudurkaasi AIDS -ka Markii ay Dhaqaatiirtu cadeeyeen inay qabto Cudurkaasi.

1:- Waxay Qaaday Cuqdad Nafsi,taasi oo dhalisay inuu hoos u dhaco Miisaankeeda oo ay noqoto Laf iyo Maqaar ama waxa Caafimaadka lagu yiraahdo Marasmic

2:- Waxay ka go'day la socodkii dadka Gaar ahaan Asxaabteedii ugu dhawaa

3:- Waxaa lagu bilaabay in la Tagooro oo aan lala socon,Wax lala cunin,wax lala cabin,lala Seexan isla markaana Salaanta laga qaadin, iskaba daa in xitaa Television -ka lala Daawado ama loosoo galo Qolka ay ku jirto,intaasi waxaa u dheer inay Waalidkeed Tagooreyn oo si Gaar ah loogu sameeyey Weelal loogu geeyo Raashinka iyo in Xaafaddii laga raray oo la dajiyey Xaafad kale oo Familkaasi ka fog.

Gaba gabadii Waxaan kusoo Afjareeynaa Wacyigelinta Puntland.blogsomalia ma noqon doonto Talaabo halkaasi ku siman Waa Barnaamij sidiisii ubilowday oo aan marnaba laga Daaleyn,inagoo u baahan Gacansiintaasi ku aadan Arintaasi.

Qoraalka Waxa Soo Saraay Mudane Dr Yusuf Ali

Email:- Bosaso@myway.com

SI AAD ISAGA ILAALISO CUDURKA DAACUUNKA RAAC QODOBADAN

cudurka daacuunka waa miid ka miid aah cuduraada ugu dhibaato badan daad fara badan oo somali aah naa sanad walba ayuu laya lakiin side la iskaga ilaalin kara cudurka naxdiinta leh raac sidaan hoose

1.''  BIYAHA LA CABBO DHIGO MEEL KA GAAR AAH BIYAHA KALE EE GURIGA LAGA ISTICMAALO ''

2.'' CUN RAASHINKU INTA UU DIIRRAN YAHAY''

3.'' CAB BIYO AY KOLORIIN KU HIRTO AMA BIYO KARKARSAN''.

4.'' KU DHAQ GACMAHAAGA SABUUN AMA DAMBAS KA HOR INTA AADAN CARRUURTA CUNTADA SIININ''

5.''KU DHAQ GACMAHAAGA SABUUN AMA DAMBAS KA HOR INTA AADAN CARRUURTA CUNTADA SIININ''

6.''GACMAHAAGA KU DHAQ SAABUUN AMA DAMBAS KA DIB MARKA AAD SAXARADA ILMAHA KA DHAQDO''

7.''KU BADBAADI ORS QOFKA AAD KU ARAGTO SHUBAN BADAN''

8.''KU DHAQ GACMAHAAGA SAABUUN AMA DAMBAS INTA AADAN BILLAABIN KARINTA CUNTADA ''

9.''KU DHAQ GACMAHAAGA SAABUUN AMA DAMBAS MAR WALBA OO AAD MUSQUSHA SOO ISTICMAASHO"

'' nadafaadu waa iimaanka barkii waxa dhahay nabi maxamed SCW waa xadiis saxiix aah ''

BY Dr Yusuf Ali

Posted by puntland-somalia at 01:52:36 | Permanent Link | Comments (0) |

Tuesday, September 25, 2007

Aqoon IYO Ogaal

 SHEEKO
1.cigaal shiidaad wuxuu ahaa nin
fulay ah, wuxuu ka carari jiray
geedkii madow. naylaha yaryar.
markaad aragtid muuqaalkiisa
waxaad mooda nin geesiya

2.juxaa wuxuu ahaa nin caan ka ah degaankii
uu ku noolaa, juxaa wuxuu ahaa nin sabool
ah, xoolana wuxuu ka lahaa dameer.

3.caraweela waxay xukumi jirtay
ragga iyo dumarkaba, waxay amar ku
bixisay in la laayo ragga, dardarankeedii
naagaha waxaa kamid ahaa ''diidi ogaada doonina ogaada''
gardaro ku dadaala oohinna kudara, waa laguu garaabiye.

4.dhegdheer markeedii hore waxay aheyd gabar fiican kadibna
intay baahatay, bay noqotay dadqalato dadka cunta

5.garaad faarax garaad  xirsi (wiilwaal) wuxuu ahaa nin geesi ah,
waana nin taariiq ku leh dadla soomaaliya. aad ayuuna u xukun adkaa
wuxuuna ku dagaalami jiray waran iyo seef.
Taariikhdii farta soomaaliga
farta soomaaliga  horay uma jirin ee waxay leedahay xilli iyo tariiq
ay soo bilaabatay, markii uu dhashay kacaankii 21-kii actober 1969-kii
ayuu kacaanku Magcaabay guddi ka kooban aqoonyahano ku xeel dheer
af-soomaaliga iyo macallimiin, waxaana loo xil saaray inay diyaariyaan
oo'ay qoraan farta soomaaliga
ugu dambeystii waxay ku guuleysteen inay soo saaraan far-soomaaligan.
wuxuuna si rasmi ah u dhaqan galay taariikhdu markay ahayd 21-actober 1972-kii
waxaana laga sheegay jaraa'idyada iyo idaacadaha, kaddibna waxaa bilowday olalihii
lagu baranayey farta soomaaliga oo halku dhigiisu ahaa bar ama baro.
intii aan la qorin far-soomaaliga dadku waxay wax ku qoran jireen carabiga iyo ingiriiska,
talyaaniga IWM.

W/Q Yousse

Email:-  Bosaso@myway.com

su'aal:-Wariye waa kuma ? jawaab:- waajibka weriyaha dadalka u dhacay waa ka rurjuma dareenka dadweynaha dhiirrigelinta dareenka suuban iyo qaawinta ceebahooda< Qore Mahatma gandhi

 

Posted by puntland-somalia at 20:10:35 | Permanent Link | Comments (0) |

Monday, September 24, 2007

Gabaayo Soomaali aah

( BAAQ )

Adigaan cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa

Dhulku baaxad sooriyo
Banan miidhan weeyaan
Ama waa bus iyo oon
Ninka buug ku haystow
Beentaada weeyaan

Balcad Jawhar Shalanbood
Barakada Qoryooley
Waxa canab bislaadee
Baydhabi u gaar tahay
Boosaaso iyo Beer
Bixin-Duule Laaleys
Biyo Guure Kalabaydh
Beeraha Wajaalee
Lagu reebay baahida
Baardheere iyo Jilib
Waa boqol kun oo mayl
Dhulka lagu badhaadhee
Beeyadu ku taallee
Badar lagu abuuree
Lagu ridey bariiskee
Balka lagu tallaalee
Muuskiyo babaygii
Barkadeen xareeddoo
Waxa taa ka sii badan
Dhulka bari samaadkee
Beeshaannu daaqdee
Barta aynu dhaqannaa
Barqo dhereg ka joogtee
Iyadoo barwaaqo ah
Balliyada xareeddii
Ku bariisanaysoo
Bidix midig dhan loo dayo
Barigiyo galbeedkaba
Waaberi cadceedii
Soo saartey baallaha
Bilcilkiyo maraagii
Shinbiruhu bulxamayaan
Indhihii basaasow
Boorame ma aragteen?

Ma ogtahay barbaareey
Heesaha Barawn tumo
Adigaan bogga u lulin
Beerrey Kabeebey
Bismillaahi Saylici
Hana-haybsantii bari
Batar iyo Wareegtaa
Kuu baadi soocee.

Ma ogtahay barbaarreey
Qalabkana bud dhumucliyo
Waran iyo billaawaa
Kuu baadi soocee

Ma ogtahay barbaarreey
Barshin iyo darfooley
Bayluuli xaradhlaa
Kuu baadi soocee

Ma ogtahay barbaarreey
Waxa loo buseelaa
Ama qurux ku caan baxay
Ama laysku baantaa
Ama lagu bogsoodaa
Kal bugtaa ku faydaa
Kugu deeqa baashaal
Guri bila ku magac dheer
Hablaheenna bilicdiyo
Biligiyo il-waadka leh

Bilcantii shisheeya ah
Ninka beegsanaayow
Waxaan kaaga baqayaa
Inaad baadi noqotee
Cidla baylah keligaa
Yaanu bahalku kaa helin

Isu buri geyaankaa
Barta gogoshu kuu taal
Bahda lagama maarmaan
Bud-dhiggaaga koowaad
Baaqaygu waa kaas.

 

(Beled-weyn)

Bi'I waa jacaylow
Boodhari inuu diley
Been baan u haystee

Bi'I waa jacaylow
Boog aan la dhayinoo
Cidi baanan karino
Beerkiyo wadnaa iyo
Bogga kaaga taalliyo
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee

Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxshoo
Canabkii bislaadoo
Badarkiyo galleydii
Laga tuuray baalkoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu' joogaan
Sow beri-samaadkii
Beled Weyne maan tegin

Dhanka bari magaalada
Sow boqorad joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Cilicdii haweenkiyo
Bili loo dhameeyoo
Timo boqonta joogoo
Baal gorey la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Bul-cad lagu xiddeeyoo
Badh ku xeexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huwanaysa baaloo
Igu beertay lahashoon
U buseelay maan baran

Sow goor barqa ahoo
Bishu ay siddeed tahay
Aniga iyo Beer luli
Isku maannu soo bixin

Sow bariidadaydii
Iyo bedashadeedii
Buundada ciyaartee
Beled Weyn ku taallee
Biyo lulata guudkood
Badhtankeeda maahayn

Sow bixiso weeyee
Ballan maanu dhiganoo
Beeri joog imay odhan

Sow bayd go'aygii
Layguma bushaareyn
"maantaa la baxayaa
bulshadii imay odhan"

Sow waa bastey oo
Socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan

Sow taliye baasoo
Ba'anoo war-moogii
Taydii ma beenayn

Sow badiba kooxdii
Goortay badheedhee
Baabuurki fuulleen
Anna baal kamaan korin

Boholyow daraaddii
Sow baraq nuglaantii
Belo lagu ducaystiyo
Baryo kumaan maqnaynoo
"Biri may xumaatoo
baadroolka daadshoo
ka wadaa bukoodoo
bogsan waayo" maan odhan

Sow beriga waagiyo
Barqo kulul dhexdoodii
Geed baaxad weynoo
Dherer iyo ballaadh-loo
La yidhaahdo Baaroo
Bilig dheer hirkiisii
Ma bidhaan sanaynoo
Bulxankiisa yeedhiyo
Ma maqlaynin baaqii

Sow baaxad soorii
Iyo laba boglayntii
Maan noqon bestey oo
Bacadkii ma dheelliman

Sow galab-baqoolkii
Annagoo barwaaqiyo
Meel baadle joognoo
Tumanayna Beerrey
Sow maan baraarugin

Riyo beena weeyee
Sow baalla daymii
Baabuur lalaahyood
Haad baalle mooddoo
Fananaaya buur dheer
Isma odhan ka boodoo
Nafta sow ma biimayn

Nin Banaadir joogoo
Beled-Weyn la haystoo
Waxaan ahay la baabee
Sow baadi doonkii
Weli baafi maan ihi

Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig xiro badhaadheed

Beerlula Allahayow
Belaayada hareer mari

Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig guri barwaaqeed

Beerlula Allahayow
Beryo samo ku noolee

Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig beerta raaxada

Beerlula Allahayow
Ka barii wax yeellada.

(Araweelo)

Ooshu waa halkeedii
Cirku waa engegan yahay
Naxariisi kama iman
Dhulku waa arradan yahay
Oogadiisu damac ma leh
Waa abaar dad qalata ah
Waa sabaan la adhax jabay
Ma aloosna geedkii
Afti baana sii tiil
Dadna waa ogsoonaa
Anna baanahaygii
Ku adkaysan waayee
Sow iimahaygiyo
Alabkayga lama baran

Olol-reenka hibashada
Uugaanka baxayaa
Ma naftii asqowdaa
Mar labaad arrumisoo
Agabtii xidhxidhatoo
Awrkeedu raran yahay
Ma awaalihiibaa?
Asmadiyo xanuunkiyo
Aynfaadku saarraa
Ma abaabulkii baa?
Oohowda waallaa
Ma dabkaan afuufee
Aasee bakhtiiyaa
Ololkiisu baxayaa?

Kalgacaylku aafiyo
Urugiyo dhib badanaa
Kasha nugul ka adakaa
Soo aarey nabarkii
Ma alwadey sidii geel
Edeg madhan ma deydeyey
Sida bahal ma oogsadey
Ma illaday kabtii jaan
Ma ku jiitey awdalan
Ma arooryadii baa?

Waabayda udugga leh
Idin laygu shidi jirey
Abbaartayda saakana
Ma adeeridii baa?
Sidaan aar libaax ahay
Araggaygu didin jirey

Arraweelo dumareey
Arrimaha dhexdeenna ah
Asaraari maayee
Igu tidhi "ha ii iman"
Anna waan hubaayoo
Inaan uurka kaa jaro
Afar iyo shan goor baan
Axdi kuugu qaadoo
Misna oofin waayee
Isma ogiye goormaan
Tolow aqalka soo galay?

Ma naftii ku eeddeed
Obocdeeda karisee
Ishu kaaga fagantaan
Usha kaaga reebaan
Igdhayee sabaayee
Uubaale geeyeen
Meelaanay kaa arag
Ku ilaalinaayaa
Soo jiidhay ooddii
Ma adaahidii baa?
Addinkaaga hoos taal

Aburkiyo xarraankiyo
Orka iyo mashxaraddiyo
Alalaaska baxayaa
Ma ujeeddadaasaa?
Ma addoonsigeeda?
Ajar kuugu sugan yahay?

Arxanlaay karkabaddiyo
Araggaygu murugiyo
Yaanu umal ku saaqoo
Anfariir ku geliyiyo
Kugu noqon af kala qaad
Arrintayda gabadh yahay
Nin ambaday ka soo qaad

Naftan oonku shidayee
Deyn weydey ololkaa
Amankaaga dhalisee
Abhin iyo tusaaliyo
Ergo waaya hadashiyo
Imisaan karaankay
La cuskaday aqoonta?
Ma waxaanan odhannoon
Ka illaawey baa jira?

Hadday diiddey amarkii
Ka irdhowdey taladii
Oggolaatay dala'siga
Eelka maanigaa dhigay?

Indhahaagu kululaa
Eebadaadu toganaa
Warmahaagu adakaa
Arammida ku haysiyo
Aanadaadu weynaa
Yaad ka aarsanaysaa
Ma nin aabbahaa diley?
Nin astaamahaagiyo
Quruxdaada oog iyo
Ubax dharan ku sheegoo
Ammaantaada koobaa
Eed beeli waayee
Erey tuurleh ruuxii
Afka kaa yidhaahdiyo
Utin nimaad ku leedahay
Waa maxay abaalkii?

Sow ma tihid ilayskiyo
Iidaanka noloshiyo
Iimaanka lahashada
Sidaan kaaga oolaa?
Immisaan ku jiri baaq
Heestii ukulidiyo
Cabashiyo abla-ablayn?
Xeerkii Islaamkiyo
Wixii Eebbahay faray
Olloggayga godobtiyo
Aanfada ka doortoow
Aabi loo badheedhiyo
Ansax maaha digashadu
Yaan inkaari kugu dhicin

Ashqaraarka kibirkiyo
Yaanay iiddu kula tegin
Ha ku tuman aleelaha
Ha afduubin xaajada
Isirkeeda doon doon
Ka ummuli tusaalaha
Alif macallin weydii
Bal abuurta dunidiyo
Shalay iyo awaasheed
Aashaa dib ugu noqo
Bal oddoros hilaadaha
Bal malee wax iman kara
Berritiyo ayaamaha
Ifafaale daymood
Bal iskaa ka sheekee
Wixi aadmi soo maray
Taariikhda uur baadh
Ugub maaha jamashadu
Ma ishaaran keligey
Kalgacaylku waa oday
Asalkiisu waa geed
Ab abkii lammaanaa
Nabar oof wareemuu
La abloobo mooyee
Abidkii ma qaran jabo

Gabadh yahay addduunyada
Waxaa loo agaasimay
Aayatiinka dhaqashada
Agan maaha gamashiday
Ma idlaan hankeedii
Gabno ibo kuryowdoo
Ablo lagala quustoo
Maaha laga inaabsaday
Weli way irmaan tahay
Waa aroos toddoba baxay
Oori weeye qurux badan
Waa ammaano dhaxal gala
Aayadaa ka soo degey
Rabbi baa aqoolkiyo
Abyiddeeda labadaba
Ka afeeftay beri hore
Duminteeda ma oggola
Haddaad siibto udubbada
Soo dhaafto Alamtara
Miyaan eedda keligaa
Cidi kuugu imanayn?
Maadigaa awoodda leh
Taladiyo ummuuruhu
Ma sidaad u aragtaa?
Ma Illaahay baan jirin

Ula-jeeddadaydii
Arar baan ku lumiyoo
Warka waan agmarayoo
Irbad baan ku qalayee
Uus-miirka dulucdiyo
Amba-qaadka geeddiga
Waxaan guurti ku egmadey
Hadalkana ku urursaday
Irrid waliba kuu furan
Haddaan iisho gabadh yahay
Marna waa ayaankaa
Marna waa itaalkaa
Sheekadayda iib gee
Aahdayda faallee
Arladoo dhan gaadhsii
Unuunkaygu waa hibo
Kuma haysto aakhiro

 

waxa qoraay  abwaanka weyn ee soomaaliyed  Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi"

Abwaan Hadrawi

SAWIR HORE ABWAAN HADRAWI

j.20fr@yahoo.com

Dalkiisa Qawade (GEERAAR)

xasan kayd cabdille walanwal
xasan geeraarkan wuxuu curiyey markii uu arkay dad badan oo soomaaliyeed oo tacliin leh iyo
kuwo kale oo aan lahaynba  oo inta u xoogsi tagaya  una dhoofaya dalal qalaad iyagoo dalkooda qawedsan  isagoo markaa garanaya dhibaatada ay taasi uleedahay horumarka dalka ayuu geeraarkan dadka jaadkaas ah ku guubaabinaya   inay dalkooda aaminaan khayraadka korkiisa iyo ubucdisa  buuxana iimaansadaan kala soo baxaan
wuxuu yiri:-
dhegbay doqoni leedahay
dhabta aan u sheegine
dhoylaawe waa kii
dhabaabaco is qaade
dhulkiisoo xoroobiyoo
dhaqankiisa diiddane
dhabta maanta joogtiyo
dhaayaa arkaynine
dhaqashiyo dadkeenni
dhimashaba wadaagyoo
dhagax aanu jebinniyo
dhoobada qodaalkiyo
dhakab geela haystaa
dhafaruur kolay tahay
dhuuniga u qutaa
dhididkiisa weeyoo
dhalashaanu gaadhnee
ninkiise dhoofa  maantee
dhulshisheeye degeyoo
dhaliil baa ku raacdo
dhunkaal baad qaniintee
dhurwaagu lafmeel taal
dhaaxu calaasho
dhuntiisa heertoo
dhiig kaga tifleeyoo
ha u dhuran walaalow
dhidarkii cadhoodee
dhogortiisa iibshee
dhibta kii aan nala gelin
dheefta nalama cunaaye
africana dhammaanteed
dhawaaq baa ka baxayee
nin dhegeysan waayo
dhito keydsan meyside
W/Q Abshir Craxmaan Maxamed

calaanka quruuxda badan

Inta Tabar La Hayo, Talo Ha La Yeesho

Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan
Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay
Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye
Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye
Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade
Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane
Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane
Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene
“Yaa ii muslim ahey” haddey maanta maad noqotay
Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento
Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne
   

>>> Magacaada Mowlow haddaan maanso ku billaabo
Mu’min kuu cibaadeysta iyo Mulxidka gaaloobay
Majuus iyo Masiixiyo Yuhuud maaro loo waayay
Iyo  kii Munaafaqa intuba  kaama maarmaane
Inuu Musdafe Nabigaadi yahay aaminkii Muxamed (SCW)
Adiguna Macbuudkeenni tahay waa midaan qiraye
Mulkigaadu weynaa Rabbiyow doqon uun baa mooge.

Midabkoodu waayaha  adduun  gelinba waa muuqe
Waa murugo mar ay kuu tihiyo maalin faraxeede
Dhaaxaan ayaan maahsanaa sida majnuunkiiye
Dhaaxaan manfacii quudka iyo muufadii nacaye
Dhaaxaan maskaxda shiilayoon mariyay suugaane
Dhaaxaan digniin meela iyo miisay waanadaye
Mas’alooyin dhaaxaan rogrogay mustaqbalkeenna ahe

Maalik weynow dhaaxaan ducada Yaa Mannaan iriye
Muuqaalkii aan filanayoon muddada dhowraayay
Ma la gaaray meeshaan rabiyo waxan maleynaayay?
Ma gilgilatay magaaladii ba’daye  nacabku miineeyay?
Inuu shacabku wax maquunin karo maanta ma caddaatay?
Nimankii musiibada  ahaa sow ma liqin moolku?
Mowjado rogmada sow ma helin maanyo hirarkeedu?

Nabsigii mijaha sow ma qaban miigna uma taagin?
Sow maro-daf lama eedin iyo mudullo baarbaarad?
Sow lama matagin doollarkii marrasta loo laayay?
Sow ma mirqin mid kireysan iyo macangag yaahuu ah?
Mooryaantii sow lama qabqaban macashu dheeraatay?
Maandooriyiyo sow ma bi’in  munkarkii faafaayay?
Meles meeshuu soo muudi jiray sow iskama moosin?

Malqabadda kuwii dafi jiriyo macawis duugowday
Markii jirri marqaan waalay  iyo Murux la raacdeeyay
Marinadii ay tuugadu xirtee looga kala maagay
Sow dariiqyadii lama marmaro mirir bir loon oollin?
Sow jidgooyadii lama masixin meherad qaar mooday?
Sidii maalin ciideed dadkoo farxad la muusooday
Maashaa- Allee sow Muqdisho lama mushaaxaayo?

Maangaabkii la hubeynayee mindiyo loo dhiibay
Ee maxastay dabargoynayeen lagu masruufaayay
Waa mahade Mukulaal madow sow macaluulin?
Madaarkii diyaaradaha iyo meeshii laga quustay
Dekeddii maraakiibtu sow maal ka rogi meyso?
Maatidii la dhibay sow Cabdow leyri mari mayso?
Dhagaheennu waxa ay maqlaan sow mashxarad ma aha?

Middii uu Ilaahey na faray meel u wada jeesad
Muwaafaqadu iney guul tahaan dhaar ku marayaaye
Miraheedi waa taa la guran  maalmo gudahoode
Mashaa’ikhdiyo sow culimadii la marxabbeyn maayo?
Sow masaajiddii lama cammirin mowlacyadii diinta?
Cadowgii na maagmaagi jiray sow madluun ma aha?
Annaguna Maqsuud sow ma ahin muranku waa ceebe?!

Bulshayahay miskiin baad ahayd marag Ilaaheeye
Mashaqadu markeey kugu dhacdayeed meehannaabaysay
Colaad  waa musiibee markey xaajo kaa murugtay
Waa lagugu maadsaday adoo meyd ku hoos yaalle
Mucaawino ifkaan laguma arag madfac la tuura ahe
Mallaariyada waa yaab la yiri Mootarkow roone
Micnihiisa garo  Miin dhibco leh waan maldahayaaye ?!

Mabda’ beena iyo maal adduun malafsi aan raagin
Adigoo mashquul ku ah murdinta malas ku hoos taalla
Yaa lagu muraaddeyn lahaa waadse moogtahaye
Dhulkey maqashu kuu daaqdo iyo beerihii mooska
Milkigiisa waxa loo tartamay meeshad huruddaaye
Haddaan maya Ilaahey dhaheen mandaqaddoo iibsan
Marti inaad ku noqon layd adaa ii marqaati ahe !!!

Maantana halkaad gaartayee laga maseyraayo
Muruq laguma keenine Allaan mahadineynaaye
Muluqmuluq  iyadoo aan la galin  talo ma-dhaafaan ah
Waxba yaan maqaarsaar la shirin maahsaniyo tuuge
Waxba yaan mariid nalagu dhihin waa macaanyahaye
Waxba yaanan marinkii la dedin guusha loo maraye
Rabbi magane aan malabsannee  Musxafka taageera.

Mooskiyo Mareykan ma rabaan Yurub ma yeeleyso
Waa mataatac hadalkiisa iyo sheeko maraxeede
Waan madaxbannaannoo maxmiyad ma ahin tooda ahe
Iyaguba waxay maagganyihiin waw muhiim sir ahe
Munaaqishana kama yeelannoo waa mamnuuc abide
Waxba yaan Malyuun deeq ah iyo layna siin maale
Ninba waa middiisee war aan teenna meel marinno

Mu’aamaraddii ay nala rabeen iyo muraadkoodii
Marxabbiyo markii aan ku niri maafiyoy yeelnay
Mujrimiinta kuwii noo xulee mirayay hoygeenna
Midkii naga dhaqaaqaba qolyihii gooyay madixiisa
Marwooyinka kuwii laayayee  mudaneyaal dooxay
Miimii qofkii wali u lihi weyska maac yiriye
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.

Masaaliix in la is dhaafsadaa  waa mubaax duniye
Ha yeeshee nin qaan kaala maqan oo mag kuu diiddan
Oo wali magliyo soo watoo ku leh mar ii seexo
Miyir ruux leh waa waxanan qaban sidan maleeyaaye
Dad maquuno lagu maalo oo dhaqankii maarreey leh
Maxbuusiin inaannaan ahayn mooro ugu owdan
Haddey nimanku maan leeyihiin saaka  yow meersha.

Inkastoon mas’uul nahay isagaa kownkan maamulaye
Qaaddirka haddaan  magan galloon maqalno qowlkiisa
Haddaan noqonno Muslimiin dhaboo sunnaha maamuusa
Waa mugdi qabyaalade haddaan meel isaga tuurno
Midnimaa wanaag lehe haddii aan  la kala miirmin
Haddii masaska aan didinno iyo mici ku dhiigloo dhan
Hadduu maanku taliyoo la naco muhallig qowsaar ah.

Midkanaa i xiga iyo haddaan mudmudka reer dayno
Haddii kii maslaxaddeena wada aan mudnaan siinno
Haddaan xilku wax nacas muudsadiyo noqonnin maaweelo
Oon sida macaashkii la dhuran  hanti malaayiin ah
Caddaaladdu haddey muuqatoo xaakin  miisaamo
Muxibbiyo kalgacal inuu imaan waa mid aan hubeye
Inuu muuqan magaceenni dhumay  waa midaan  hubaye

Ma hubeysnid inaan la is lahayn waa mid aan hubaye
Macaluul in lagu diimayaa waa mid aan hubaye
Iney gurmad masaakiintu heli waa mid aan hubaye
Madaariistu iney badanayaan waa mid aan hubaye
Maatidu iney wada duceyn waa midaan hubaye
In shisheeye laga maarmayaa waa mid aan hubaye
Mowlana inaan hiil ka heli waa mid aan hubaye.

Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.

xuquuqda waxa iska leh >
Dr. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands

Mohamed_ebar@hotmail.com

Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde), wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku taal duleedka magaalada Gabiley, sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay, isla markaana uu ii xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa darteedna wuxuu dhashay 1920-kii. C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi. Wuxuu ku koray degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur'aan.

C/laahi Suldaan, isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya, waxaanuinta badan ku noolaa magaalooyinka Adari (Harar) iyo Diridhabe. Timacadde wuxuuItoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa. C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale oo ay ilma-adeer ahaayeen. Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid. Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur'aanka iyo diinta ka barto. Maxamed Dugsiiye dib ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa, isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ayC/laahi Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku 'Batalyan' noqdeen.

Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii.

Boobe Yuusuf DucaaleC/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga gabyi jiray. Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da'da ahaayeen, kuwaas oo dadku aad u xiisayn jiray.

C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah; "Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha."

C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii ayay Maryan ku curatay. Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen magaalada Jabuuti 1957-kii.

C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii, isagoo degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:

Xaliimo C/Laahi Suldaan
Maxamed C/Laahi Suldaan
Mako C/Laahi Suldaan
Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.

C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii
gobonimo-doonka ahaa ee dalka ka hana-qaaday. Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa.

1960-kii kadib, markii gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas. Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga.

Beryihii dambe ilaa doorashadii 1969-kii, Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay.

1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday taladii dalka kula wareegeen
inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca. Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba sida ugu roon isu beddeli doonaan.

Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku guursaday Ardo Tukaale 1971-kii, waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya. Carruurtii Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan, Nimco iyo Sam-sam oo keliya oo xaasas ah.

1971-kii, C/laahi Suldaan waxa ku sii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha. Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay dalka Kenya. Tima-cadde waxa la dhigay 'Kenyatta Hospital', oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya.

C/laahi Suldaan wuxuu ku dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd. Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.

C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii, 1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga soo qaaday Kala-baydh, iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo'e

xaquuqda waxa iska leh Qoraha
Fadlan Waxii Ra'ayi Ah Iyo Waxad Nagu Dhantooba Nogu Soo Dir Email :- j.20fr@yahoo.com Mahadsaniid 
QORAHA WEBSITE-KA ENG JAMJAM

Dooxato (Gabay)

hurre

Bacda salaan tixdan hoos kamuuqata waxaa tiriyey nin la yidhaaho Hurre Dabayl, tixdu iyada ayaa is fasiraysa waxaana ogahay bulshada soomaaliyeed inaan hadalka loo tafsiirinba oo ay yihiin umad aad ugu  xeeldheer xaga baandhaynta hadalka oo waxaaba laga yaabaa adigii sheegey inayba sidii aad u rabtey si kaga haboon mararka qaarkod iyagu uduwaan, wixii su'aala ah, sixida iyo dhaliilba diyaar baan u ahay insha allah sidaa iyo akhrin wacan 

 

 

  1. Da'da maanso doorkeeda gabay amase deeleeyda

  2. Doodeeda nimankii yiqiin daaye midhihiiye

  3. Dabaylaha socdiyo waxay arkeen dayra dhaaf yada'e

  4. Ninweliba markuu daqaqamay dib uga maageene

  5. Daab_gudinka lala yaacayay doc uga baydheene

  6. Aniguna daleel baan kahelo waysku deyeyaaye

  7.  

  8. Qaaruu duwaday oo ibleys dacay geshoo waalay

  9. Shaydaan inuu duufsadoo dalow ka tuuryeeyey 

  10. Dijaal iyo nimruud baa kakacay degeladeeniiye

  11. Diintuna danteen maahabay duhur yidhaaheene 

  12. Dastuurkii ilaahay markii debeda loo tuuray

  13.  

  14. Dariiqii rasuulkiyo intii dawgi laga leexday [SCW]

  15. Diiwaanki gaaladu qortaa deegta noo sudhane

  16. Daliil waxan u soo qaadaniyo waxay ku doodaanba

  17. Diimuqraadi mooyee mamaqal daa'im baayidhiye

  18. Dulmigii fircoon lagu rogaan dabada haynaaye

  19.  

  20. Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey

  21. Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene

  22. Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene

  23. Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye

  24. Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye

  25.  

  26. Nimanyohow damiir xumada waa lagu duloobaaye

  27. Nin dayacay dalkii uu xukumay waa damiinimo'e

  28. Dareenkaygu diid ina ragow waxad dul joogtaane

  29. Dad_qalatooyin baa soo bixiyo qaar dad qaadya’ahe

  30. Duubi weyne iyo suudi iyo duulkaloo wehesha

    Dugaal malaha cali geeddi iyo xayle dabagaabe

  31. Dilaa weeye ina yuusuf aan waana dahirine

  32. Duruus iyo culuun wuxu yaqaan dumiya weeyaane

  33.  

  34. Dillaaleyda nimmankii ahaa daydaygiyo hoogga

  35. Dugaagii in badan joogey iyo diiratadi dhaaftay

  36. Dulinkii arliga boobayoo degelka qaadaayey 

  37. Daafkii indhaha ina tiriyo tiibbey nagu daahday

  38. Dabadheer abaartii ahayd lagana soo doogey

  39.  

  40. Duufaanti ina soo martiyo durrey wixii yiiley

  41. Duumadii fadhiyey koonfur iyo cudurki daahyaale

  42. Duligay wadaadadu baxsheen lagana daawoobey

  43. Duulkii horoo xamar fadhiyey wax'isma doorshaane

  44. Darkan maanta joogiyo iyagu waa dirkii ba'aye  

  45. Danna kamale soomaaliyeey dabar go'aagiiye

  46.  

  47. Si'uu ugu dangiigsado kursiga uguna dooyaysto

  48. Dallacaad si uu ugu heliyo dereja dheeraada

  49. Dawlada shisheeyiyo intuu duulal ugu yeedhay

  50. Duulaan intuu ciriyo dhulla daafta kala raacay

  51. Dugaag iyo intii uu dalbaday dooxtiyo qawle 

  52.  

  53. Diigaanya gaalaa intuu xamar dabaalsiiyey

  54. Digifiyo amxaar iyo tigriyo doofil noo taliye 

  55. Duqayn iyo madaafiic intuu daawa uga yeelay

  56. Dabaabaadka aan guban wixii nalagu soo daayey

  57. Kaaraha dandaamani wuxuu dulun_dulcaynaayey

  58.  

  59. Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey

  60. Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene

  61. Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene

  62. Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye

  63. Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye

  64.  

  65. Dumar wada xijaabnaa kufrigu wuxu ku doobyaayey

  66. Hablihii daboolaa wixii daaha laga qaaday

  67. Darmaan ugub dariiqyada wixii lagu dulaalaayey

  68. Diinlaawe jaahili wuxuu doca docaynaayey

  69.  

  70. Doqoniyo amxaariyo waxay dabato boobaysey

  71. Iyadoo an doonayn wixii lagu duduucaayey

  72. Daa'ima caruureed halgaad wuxu ku duubaayey

  73. Daraasiin agoomaa wixii debeda loo saaray

  74. Deregli'i masaakiin wixii dhaxanta loo daadshey

  75.  

  76. Daadkiyo wixii uu lategey webiga soo daacay

  77. Dumaal naaga waayiyo wuxuu dumarku ooyaayey

  78. Duqooshi iyo waayeel warmaha wuxu ku duugaayey

  79. Digtooriyo waxay xaaqayeen culimadii diinta

  80. Dulaabtiyo waxii'ay ardada dacawo boobaysey

  81.  

  82. Da'yartiyo waxay laynayeen doobabkiyo xooga

  83. Duubcad iyo waxay cuqaladii digi kayeedhaysey

  84. Denbi li'i wadaad wuxuu xabsiga ugu diboodaayey

  85. Daraawiish sideedii wixii nala duqaynaayey

  86.  

  87. Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey

  88. Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene

  89. Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene

  90. Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye