Inta Tabar La Hayo, Talo Ha La Yeesho
Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan
Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay
Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye
Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye
Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade
Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane
Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane
Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene
“Yaa ii muslim ahey” haddey maanta maad noqotay
Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento
Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne
>>> Magacaada Mowlow haddaan maanso ku billaabo
Mu’min kuu cibaadeysta iyo Mulxidka gaaloobay
Majuus iyo Masiixiyo Yuhuud maaro loo waayay
Iyo kii Munaafaqa intuba kaama maarmaane
Inuu Musdafe Nabigaadi yahay aaminkii Muxamed (SCW)
Adiguna Macbuudkeenni tahay waa midaan qiraye
Mulkigaadu weynaa Rabbiyow doqon uun baa mooge.
Midabkoodu waayaha adduun gelinba waa muuqe
Waa murugo mar ay kuu tihiyo maalin faraxeede
Dhaaxaan ayaan maahsanaa sida majnuunkiiye
Dhaaxaan manfacii quudka iyo muufadii nacaye
Dhaaxaan maskaxda shiilayoon mariyay suugaane
Dhaaxaan digniin meela iyo miisay waanadaye
Mas’alooyin dhaaxaan rogrogay mustaqbalkeenna ahe
Maalik weynow dhaaxaan ducada Yaa Mannaan iriye
Muuqaalkii aan filanayoon muddada dhowraayay
Ma la gaaray meeshaan rabiyo waxan maleynaayay?
Ma gilgilatay magaaladii ba’daye nacabku miineeyay?
Inuu shacabku wax maquunin karo maanta ma caddaatay?
Nimankii musiibada ahaa sow ma liqin moolku?
Mowjado rogmada sow ma helin maanyo hirarkeedu?
Nabsigii mijaha sow ma qaban miigna uma taagin?
Sow maro-daf lama eedin iyo mudullo baarbaarad?
Sow lama matagin doollarkii marrasta loo laayay?
Sow ma mirqin mid kireysan iyo macangag yaahuu ah?
Mooryaantii sow lama qabqaban macashu dheeraatay?
Maandooriyiyo sow ma bi’in munkarkii faafaayay?
Meles meeshuu soo muudi jiray sow iskama moosin?
Malqabadda kuwii dafi jiriyo macawis duugowday
Markii jirri marqaan waalay iyo Murux la raacdeeyay
Marinadii ay tuugadu xirtee looga kala maagay
Sow dariiqyadii lama marmaro mirir bir loon oollin?
Sow jidgooyadii lama masixin meherad qaar mooday?
Sidii maalin ciideed dadkoo farxad la muusooday
Maashaa- Allee sow Muqdisho lama mushaaxaayo?
Maangaabkii la hubeynayee mindiyo loo dhiibay
Ee maxastay dabargoynayeen lagu masruufaayay
Waa mahade Mukulaal madow sow macaluulin?
Madaarkii diyaaradaha iyo meeshii laga quustay
Dekeddii maraakiibtu sow maal ka rogi meyso?
Maatidii la dhibay sow Cabdow leyri mari mayso?
Dhagaheennu waxa ay maqlaan sow mashxarad ma aha?
Middii uu Ilaahey na faray meel u wada jeesad
Muwaafaqadu iney guul tahaan dhaar ku marayaaye
Miraheedi waa taa la guran maalmo gudahoode
Mashaa’ikhdiyo sow culimadii la marxabbeyn maayo?
Sow masaajiddii lama cammirin mowlacyadii diinta?
Cadowgii na maagmaagi jiray sow madluun ma aha?
Annaguna Maqsuud sow ma ahin muranku waa ceebe?!
Bulshayahay miskiin baad ahayd marag Ilaaheeye
Mashaqadu markeey kugu dhacdayeed meehannaabaysay
Colaad waa musiibee markey xaajo kaa murugtay
Waa lagugu maadsaday adoo meyd ku hoos yaalle
Mucaawino ifkaan laguma arag madfac la tuura ahe
Mallaariyada waa yaab la yiri Mootarkow roone
Micnihiisa garo Miin dhibco leh waan maldahayaaye ?!
Mabda’ beena iyo maal adduun malafsi aan raagin
Adigoo mashquul ku ah murdinta malas ku hoos taalla
Yaa lagu muraaddeyn lahaa waadse moogtahaye
Dhulkey maqashu kuu daaqdo iyo beerihii mooska
Milkigiisa waxa loo tartamay meeshad huruddaaye
Haddaan maya Ilaahey dhaheen mandaqaddoo iibsan
Marti inaad ku noqon layd adaa ii marqaati ahe !!!
Maantana halkaad gaartayee laga maseyraayo
Muruq laguma keenine Allaan mahadineynaaye
Muluqmuluq iyadoo aan la galin talo ma-dhaafaan ah
Waxba yaan maqaarsaar la shirin maahsaniyo tuuge
Waxba yaan mariid nalagu dhihin waa macaanyahaye
Waxba yaanan marinkii la dedin guusha loo maraye
Rabbi magane aan malabsannee Musxafka taageera.
Mooskiyo Mareykan ma rabaan Yurub ma yeeleyso
Waa mataatac hadalkiisa iyo sheeko maraxeede
Waan madaxbannaannoo maxmiyad ma ahin tooda ahe
Iyaguba waxay maagganyihiin waw muhiim sir ahe
Munaaqishana kama yeelannoo waa mamnuuc abide
Waxba yaan Malyuun deeq ah iyo layna siin maale
Ninba waa middiisee war aan teenna meel marinno
Mu’aamaraddii ay nala rabeen iyo muraadkoodii
Marxabbiyo markii aan ku niri maafiyoy yeelnay
Mujrimiinta kuwii noo xulee mirayay hoygeenna
Midkii naga dhaqaaqaba qolyihii gooyay madixiisa
Marwooyinka kuwii laayayee mudaneyaal dooxay
Miimii qofkii wali u lihi weyska maac yiriye
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.
Masaaliix in la is dhaafsadaa waa mubaax duniye
Ha yeeshee nin qaan kaala maqan oo mag kuu diiddan
Oo wali magliyo soo watoo ku leh mar ii seexo
Miyir ruux leh waa waxanan qaban sidan maleeyaaye
Dad maquuno lagu maalo oo dhaqankii maarreey leh
Maxbuusiin inaannaan ahayn mooro ugu owdan
Haddey nimanku maan leeyihiin saaka yow meersha.
Inkastoon mas’uul nahay isagaa kownkan maamulaye
Qaaddirka haddaan magan galloon maqalno qowlkiisa
Haddaan noqonno Muslimiin dhaboo sunnaha maamuusa
Waa mugdi qabyaalade haddaan meel isaga tuurno
Midnimaa wanaag lehe haddii aan la kala miirmin
Haddii masaska aan didinno iyo mici ku dhiigloo dhan
Hadduu maanku taliyoo la naco muhallig qowsaar ah.
Midkanaa i xiga iyo haddaan mudmudka reer dayno
Haddii kii maslaxaddeena wada aan mudnaan siinno
Haddaan xilku wax nacas muudsadiyo noqonnin maaweelo
Oon sida macaashkii la dhuran hanti malaayiin ah
Caddaaladdu haddey muuqatoo xaakin miisaamo
Muxibbiyo kalgacal inuu imaan waa mid aan hubeye
Inuu muuqan magaceenni dhumay waa midaan hubaye
Ma hubeysnid inaan la is lahayn waa mid aan hubaye
Macaluul in lagu diimayaa waa mid aan hubaye
Iney gurmad masaakiintu heli waa mid aan hubaye
Madaariistu iney badanayaan waa mid aan hubaye
Maatidu iney wada duceyn waa midaan hubaye
In shisheeye laga maarmayaa waa mid aan hubaye
Mowlana inaan hiil ka heli waa mid aan hubaye.
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.
xuquuqda waxa iska leh >
Dr. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com
Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale
Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde), wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku taal duleedka magaalada Gabiley, sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay, isla markaana uu ii xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa darteedna wuxuu dhashay 1920-kii. C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi. Wuxuu ku koray degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur'aan.
C/laahi Suldaan, isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya, waxaanuinta badan ku noolaa magaalooyinka Adari (Harar) iyo Diridhabe. Timacadde wuxuuItoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa. C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale oo ay ilma-adeer ahaayeen. Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid. Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur'aanka iyo diinta ka barto. Maxamed Dugsiiye dib ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa, isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ayC/laahi Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku 'Batalyan' noqdeen.
Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii.
C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga gabyi jiray. Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da'da ahaayeen, kuwaas oo dadku aad u xiisayn jiray.
C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah; "Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha."
C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii ayay Maryan ku curatay. Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen magaalada Jabuuti 1957-kii.
C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii, isagoo degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:
Xaliimo C/Laahi Suldaan
Maxamed C/Laahi Suldaan
Mako C/Laahi Suldaan
Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.
C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii
gobonimo-doonka ahaa ee dalka ka hana-qaaday. Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa.
1960-kii kadib, markii gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas. Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga.
Beryihii dambe ilaa doorashadii 1969-kii, Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay.
1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday taladii dalka kula wareegeen
inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca. Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba sida ugu roon isu beddeli doonaan.
Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku guursaday Ardo Tukaale 1971-kii, waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya. Carruurtii Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan, Nimco iyo Sam-sam oo keliya oo xaasas ah.
1971-kii, C/laahi Suldaan waxa ku sii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha. Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay dalka Kenya. Tima-cadde waxa la dhigay 'Kenyatta Hospital', oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya.
C/laahi Suldaan wuxuu ku dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd. Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.
C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii, 1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga soo qaaday Kala-baydh, iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo'e
xaquuqda waxa iska leh Qoraha
Fadlan Waxii Ra'ayi Ah Iyo Waxad Nagu Dhantooba Nogu Soo Dir Email :- j.20fr@yahoo.com Mahadsaniid
QORAHA WEBSITE-KA ENG JAMJAM